Contact Us

Faa’iidooyinka ka iibsashada Habitat

  • Moorgeej la awoodi karo* ee la helo iyadoo loo maraya TCHFH Lending, Inc.
    • Ma jiro wax lacag oo hor marin ahi, mana jiro caymis moorgeejka ahi
    • Dhibcaha credit ku waxay ka bilaabmaan 620
    • Moorgeej ah 30 sano oo ah 3.0% qiimo dulsaar oo go’an ee muddada moorgeejka 
    • Lacag bixinta moorgeejka aad awoodi karto oo ah ama ka hooseeya 30%  dakhligaaga
    • Deeqda kharashka dhemeystirka iibsashada 
  • Tababarid maaliyeed oo ah qof-qof (loo baahan yahay/waa qasab)
  • Koorasyada waxbarashada guri-iibsade (loo baahan yahay/waa qasab)
  • Caawimo la awoodo oo la heli karo
Ogow haddii aad u qalanto >>

Laba siyaabood oo wax lagu iibsado

Hel guri kuu gaar ah/ daydayo gurigaad rabto

La shaqee guri-iibiye si aad u iibsato guri iib ah oo ku yaala goobta degmada-toddobaad ee martamaha magaalada

Iibso guri Habitat ah

Iibso mid ka mid ah guryaha ay dhistay ama ay dayactirtay Twin Cities Habitat.

La-hawlgalahaaga ee aad ku kalsoon tahay

Illaa iyo 1985, in ka badan 1,200 ee ah qoysyada deegaanka ayaa la-hawlgalay Twin Cities Habitat for Humanity si ay u gaaraan mulkiilenimo-guri oo la awoodi karao oo xasillan.

Wax ka maqal Mulkiileyaasha-guri ee Habita

“Wax walba ee aan bartay waxay ahaayeen wax aad iigu faa’iideeyey, ka mulkiile-guri. Qoraal baan ka qaatay dhammaan fasalada, waxaanan ka bartay waxyaalaha ku saabsan biyaha, korontada, iyo wax walba oo ka mid ah guri lahaanshaha. Run ahaantii aad baan ugu riyaaqay/raaxeystay dhammaan qaybaheeda ... Waxaanan ka mid ahaa dadka u malayn jiray in aysan waligood lahaan doonin guri. Laakiinse, waa ikan, waxaan ahay mulkiile-guri. Habitat ayaa taa ii suurtagalisay.”

avatar.jpg

Isabel, mulkiile-guri Habitat ah laga bilaabo 2015

Brooklyn Center

“Mar haddii laguu doorto/xusho [Habitat] aanad leedahay guri waa iyada oo albaabyo badan kuu furmaan oo kale. Run ahaantii wuxuu kaaga dhabeyn inaad lahaato meel aad oran karto guri iyo inaad u hesho ilmahaaga meel amaan ah .”

avatar.jpg

Juanita, mulkiile-guri Habitat ah laga bilaabo 1995

North Minneapolis

“Anigu caadi ahaan waxaan jeclahay dareenka ah lahaanshada guri aan oran karo ugu dambeystii anigaa iska leh. Waan daryeeli doonaa, ilaalin doonaa, aan xusuusyo ku abuuro, waxaa ugu sii muhiimsan inaan ku dhex korsado qoyskeyga. Ahaanshaha mulkiile-guri markii ugu horeysay waxay tahay tilaabo aad u weyn nolosha qof walba. waxaana wax lamahadiyo ah inaan taas gaaray anigoo la kaashanaya Habitat for Humanity .”

avatar.jpg

David, mulkiile-guri Habitat ah laga bilaabo 2015

Chaska

Ogow haddii aad u qalanto inaad la gadato guri Habitat >>

*Namuunadda/Sambalka Shuruudaha Moorgeejka

Qiyaasta Moorgeejka Ugu Horeeya $175,000
Qiimo Dulsaar oo Go’an 3.0%
APR (Annual Percentage Rate – Qiimaha Boqolkiiba ah ee Sanadlaha ah) 3.0538%

Lacagta bixinta Asaasiga iyo Dulsaarka ah ee Bil Walba

Qiyaasta lacag bixinta ee bil walba ah waxay ka tarjumeysaa/muujin qaybta lacagta asaasiga ah iyo tan dulsaarka ah ee lacag bixinta oo aan ku jirin caymiska mulkiile-guri, canshuuraha hantida, ama kharashka dayactirka, oo sidoo kale looga baahan yahay in la bixiyo.

$737.81

 

Shuruudaha 30 years
Horey lacag u Bixinta Dayn-Qaataha//Bixin Lacata hordhaca ah  $0.00

Kharashka dhameystirka iibsashada oo uu Bixiyey Deyn-qaatahaWax ka bixinta dayn-qaataha kharashka dhameytirka iibsashada kuma jiro siyaasada caymiska mulkiilaha haddii guri-iibsaduhu uu doorto inuu iibsado.

Fadlan ogow in qiimaheyna iyo shuruudaheena ay isbeddeli karaan wakhti walba.

$3,000

 

 

 

 

Miyaad tahay xirfadle quri-iibiye ee xiiseynaya in uu wax dheeraad ah barto?  Weydii halkan>>